Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanabloolshe) ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay lacag dhan 1 Milyan oo doolar ku bixisay si kursigii Baarlamaan ee uu u tartamay looga qaado.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladda la safatay Nuur Iidow Bayle oo kursiga kula tartamay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay mas’uul ka yihiin kabiiriin ka hoos shaqeeya madaxweynaha sida uu yiri, isagoo caddeeyay inay wax cad ahayd faragelinta dowladda.
Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay isaga, Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha ay xiriir wanaagsan leeyihiin, hase yeeshee rag aragti diimeed aaminsan ay ka shaqeeyeen in uu waayo kursiga, iyadoo arrintasi loo qaata inuu farta ku fiiqayo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaliya.
DHAGEYSO SANBALOOLSHE