Tuesday, June 24, 2025

Sanbaloolshe oo loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda ee NISA

Taliyihii hore ee Hay’adda nabadusugidda Soomaaliyeed ayaa mar kale loo magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee NISA.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe u magacaabay inuu noqdo taliyaha NISA.

Magacaabidda ayaa la horgeeyay shirka golaha wasiirada ee maanta, waxaana Sanbaloolshe lagu xusuustaa in xilka looga qaaday kadib markii ay isku dhaceen Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh iyo golihiisii wasiirada oo khilaafkii ka dhashay uu keenay inay la rido xukuumadaasi.

Sanbaloolshe oo aad ugu dhowaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Turkiga, waxaana  uu xilkaasi isaga tegay xiligii doorashada isagoo xildhibaan ka doortay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON