Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in toogasho lagu khaarijiyay laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda hoose ee Muqdisho.
Koox dabley ah ayaa weerar ku qaaday ciidamadan oo ku sugnaa degmada Wadajir, gaar ahaan Suuqa weyn, waxaana la sheegay goobta ay ku dhinteen askarta iyadoo ay baxsadeen dableydii weerarka geysatay.
Ciidamada dowlada hoose ee minishiibiyada ayaa maalmihii ugu danbeeyay bar tilmaameed u noqday weeraro lagu khaarijinayo, waxayna ka mid yihiin ciidamada ugu dhaqdhaqaaqa badan magaalada.