Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu qaaday saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku safrayay jidka u dhaxeeya Guriceel iyo Balanballe.
Weerarka oo ay qaadeen maleeshiyo hubeysan oo beeleed ayaa lagu dilay ilaa 6 sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda qeybta 21-aad, iyadoo 4 sarkaal kale lagu waaye weerarka, halka maleeshiyada weerarka qaaday laga dhaawacay 4 qof.
Saraakiisha la weerarray ayaa kalaabtay xerada tababarka ee Harqaboobe ee degmada Guriceel, halkaasoo tababar loogu xiray, iyagoo ku socday degmada Ballanballe.
Wararka ayaa sheegaya in in dableyda weerarka geysatay ay kasoo jeedo mid ka mida beelaha, iyadoo weerarkoodu salka ku hayo aano qabiil.
