Saturday, June 28, 2025

Saraakiil lagu helay Aqoonsiyo kala duwan oo Ciidamada Booliska iyo Milateriga ah oo la xiray

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in xabsiga la dhigay saraakiil ka wada tirsanaa ciidamada Booliska iyo Milateriga oo ay xuquuq ka wada qaadan jireen.

Taliyaha ciidamada Booliska Gen. Bashiir Cabdi ayaa sheegay in ciidamadan la qabtay ay gaarayaan shan qof, laguna ogaaday isbedelka ku socda ciidamada iyo diiwaangelinta lagu hayo, wuxuuna intaas ku daray inay ku diiwaan gashanaayeen magacyo kala duwan iyo darajooyin kala duwan.

Shanta sarkaal ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana la sheegay in maxkamad la soo taagi doono, iyadoo taliyaha Booliska uu shaaciyey in Booliska sameyn doono baaritaanno dhereaad ah oo lagu ogaan doono dadka dowladda Xuquuq uga qaata sifo aan sharci ahayn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON