Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in is mari waaga siyaasadeed ee ka dhex taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay soo farageliyeen saraakiisha ciidamada AMISOM.
Saraakiisha ugu sareysa AMISOM ayaa kulamo kala duwan caawa la leh guddoonka kala qeybsan ee Baarlamaanka, waxayna kulan la yeesheen Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee C/weli Ibraahim Muudey.
Waanwaanta AMISOM ayaa soo baxay xilli ay saacado ka harsan yihiin kulanka Baarlamaanka kala qeybsan ee la shaaciyey in Berrito la qabto, iyadoo ay kala qeybsan yihiin xildhibannada oo kala wata ajendayaal kala duwan.
Xaaladda Amniga Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka, waxayna AMISOM si gaara ugu xil saaran tahay amniga xarumaha dowladda oo ay ku jirto xarunta Baarlmaanka.