Sarkaal ka tiran qeybta miino baarista ayaa maanta ku dhintay qarax ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Gaari qarax sida oo laga shakiyay ayaa la sheegay inay ciidamadu ka hortageen, iyagoo laba nin oo waday midma baxsaday, kii kalane la qabtay, laakiin gaariga ayaa qarxay xilli la doonayay in laga furo miinada ku xiran.
Ciidamada miino baarista oo ku howlanaa sidii ay qaraxa u furfuri lahaayeen ayaa la sheegay inuu qaraxu ku dhacay, waxaana ku dhintay saddex sarkaal u tababarnaa kala furista miinada, waxaana la sheegay in dhowr kale ay ku dhaawacmeen.
Waa gaarigii labaad ee ku qarxa Muqdisho laba maalmood oo isku xiga iyadoo laba qaraxba ay dhaceen iyadoo gaadiidka miineysan la ogaaday lana doonayay in la furfuro, laakiin qaraxa maanta ayaa qasaare dhaliyay.
Goobjooge.com