Tuesday, July 15, 2025

Sarakiil ka tirsan Alsahbaab oo lagu soo qabtay Howlgal Ciidamada milateriga ka fuliyeen Afgooye

Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Afgooye iyo tuullooyin hoos yimaada ay ku soo qabtaan xubno ka tirsan Alshabaab oo ay ka mid yihiin nin qaraxyada u sameeya iyo sarkaal qaabilsan qorista caruurrta ku biireysa Alshabaab.

Howgalka Ciidamada Xoogga ka sameeyen Deeganno hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa imaanaya iyadoo ay Afgooye gaareen ciidamada madaxtooyada Soomaaliya oo hordhac u ah madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay inu tegi doono halkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howolgal dhacay Saaka waabarigii hore ay kusoo qabteen Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo gaaraya 32 dagaalame oo ay ku jiraan Saraakiil sare oo Shabaabka ka tirsan.

Saraakiisha lasoo qabtay waxaa ka mida nin Magaciisa lagu sheegay Cumar Dheere oo Al-shabaab u qori jiray Caruurta u dagaalanta. Cumar dheere ayaa saraakiisha Amaanka u sheegay in 300 oo Dhalinyaro ah uu sanadkan qoray Al-shabaab. Sidoo kale waxaa lasoo qabtay Madaxii Qaraxyada oo Magaciisa lagu soo gaabshay Iidoow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON