Thursday, June 26, 2025

Sarkaal ay Itoobiya shaacisay inay dishay oo War kasoo saaray Dagaalkii Alshabaab ku qaaday Aato

Alshabaab ayaa jawaab degdega kasoo saartay warkii kasoo baxay dowladda Itoobiya ee ku saabsanaa Dilka madax sare oo ka tirsan Alshabaab (Halkan ka Akhriso).

Afhayeenka howlgallada Alshabaab C/casis Abuu-muscab oo la hadlay Warbaahinta Alshabaab ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Caato, isagoo ka mid ahaaa xubnaha Itoobiya shaacisay in lagu dilay dagaalkii maanta.

Afhayeenka Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in weerarkii saaka ay Alshabaab ku qaadeen degaanka Caato ay ahayd inay halkaasi keeneen ciidamo badan, saddex saldhigna lagu weerarray, ayna la wareegeen saddexdii saldhig.

Sheekh C/Caziiz wuxuu sheegay in dhimashada weerarkii Aato ee Liyuu Booliska ay gaartay 150 askari, iyadoo dhimashada iyo dhaawaca ay gaarayaan 200.

Afhayeenka Alshabaab wuxuu qiray in ciidamada Itoobiya ay diyaaradaha dagaalka gurmad u sameeyeen ciidamada Caato ku usgnaa, balse ay dib u celiyeen diyaaradahaasi oo ka yimid magaalada Jigjiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON