Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan cidiamada canshuurajha ee dowladda hoose Muqdisho.
Sarkaalkan xabsiga la dhgigay ayaa ahaa madaxa Canshuuraha dowladda hoose ee Suuqa Xamarweyne lagu magacaabo Maxamed Cali Ciid (Qaamuus), waxaana xarigiisa la sheegay inuu ka danbeeyay arrimo musuq ah oo uu ku kacay.
Wararka ayaa sheegaya in Ganacsatadda Suuqa weyn ee Xamarweyne ay dacwad u gudbiyeen Maamulka Gobalka Banaadir, iyagoo ka cabanaya sarkaalkan oo oo lacago sharci-darro si joogto ah uga qaadi jirey, isla markaana aan bixin karin waraaqo lacag qabasho oo sax ah.
Waxaa sarkaalka ku magac dheer Qaaamuus la sheegay in lagu soo oogayo lunsasho hanti dadweyne oo ah canshuuraha uu ka ururin jiray Ganacsatada Suuqa Xamarweyne.
Waa sarkaalkii ugu horeeyay ee arrin musuqmaasuq ah loo xiro, iyadoo suuqyada Gobolka banaadir la sheego inuu ka jiro musuq baahsan oo lagu lunsado canshuuraha Gobolka Banaadir.