Ciidamada Dowladda Federaalka ee Jubbooyinka hoose ayaa soo bandhigay sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab iyo dabley ilaalo u ahaa, kuwaasoo isku dhiibay Ciidamada dowladda.
Taliyaha ururka 58, guutada 11 ee qeybta 43 ciidanka xoogga dalka, C/fitaax Ibraahim ayaa shaaciyey in labadan sarakaal ee Alshabaab ay iska dhiibeen kaddib markii ay Ciidamada dowladda howlgal ka sameeyeen degaanka Xaaji Muuse oo u dhow Tuulada Baar Sanguuni oo ciidamada saldhigooda weyn ku yaallo.
Mid ka mida labada sarkaal ee Alshabaab kasoo goostay aya lagu magacaabaa Cali Cabdullahi, waxaana la sheegay inuu ahaa guddoomiyaha Al-shabaab ee degaanka Xaaji Muuse, halka ninka la socda uu ilaalo u ahaa.