Wararka laga helayo Galgaduud aya asheegaya in sarkaal ka tirsan Ciidamada Ahlu sunna ee Gobollada Dhexe uu goostay isuna dhiibay maamulka Galmudug.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay C/risaaq Cali Tubaako ayaa wata ciidamo, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha maamulka Ahlu suna ee uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir oo fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb.
Galmudug ayaa sheegtay in sarkaalka iyo ciidamadiisa ay ku biireen maamulkooda, waxaana lagu soo dhoweeyay magaalada Cadaado maanta.
Kooxda Ahlu suna ayaa kadib arrintan wuxuu ku dhaqaaqay fal la yaab leh, iyagoo degmada Guriceel ka soo qabtay hooyada dhashay sarkaalka baxsaday oo lagu magacaabo Shamso Xuseen Cali-cad ay ku xireen Dhuusamareeb.
Cabdullaahi Cali oo nabadsugidda u qaabilsan Ahlu suna ayaa sheegay in sarkaalkan uu hore u ahaa askari 2003 iyo 2004 ka tirsan, isagoo shaqsi ahna uu tegay magaalada Cadaado, laguna wareejiyay ciidamo nabadsugid ah oo jooga Cadaado, ayna been abuur tahay wararka Galmudug ay faafiyeen. Wuxuu kaloo beeniyay in sarkaalkaasi hooyadiis la soo xiray.
Goobjooge.com