Tuesday, July 15, 2025

Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay howlgal ciidamada xasilinta ka sameeyeen Muqdisho

Ciidamada xasilinta ammaanka ayaa sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab ku soo qabtay howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa xalay lagu qaaday Xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, waxaana lagu soo ururiyay dad fara badan oo kor u dhaafay 200.

Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay inay sii daayeen inta badan dadkii howlgalka lagu soo qabtay, iyadoo baaris lagu wado sarkaal la sheegay inuu ka mid ahaa xarakada Al-shabaab.

Sarkaalkan oo aysan faafhaahin ka bixin ciidamada ammaanka ayaa hadda la sheegay inuu gacanta ugu jiro ciidamada Amniga. Lama sheegin magaca sarkaalkan.

Howlgaladda ammaanka ee ka socda Muqdisho bishan Ramadaan ayaa la sheegay inay ka hortageen falal qaraxyo lagu doonayay in laga sameeyo magaalada, inkastoo dilalka qorsheysan ay xoogeysteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON