Friday, June 27, 2025

Sarkaal ka tirsan Ciidamada milateriga oo lagu dilay Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax miino ayaa magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya iyadoo 2 askari oo kale ay dhinteen, halka 2 askari oo kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ka dhacay Maqaayadku taalla meel u dhow Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay maqaayadaasi u badnaayeen ciidamada dowladda.

Sarkaalka ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay in lagu magacaabi jiray Beddel, waxaana sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay 3 qof shacab ah.

Miinada ayaa la sheegay in lagu soo qariyay bac oo la dhigay dhinaca danbe ee maqaayadaasi iyadoo maqaayadaasi ay gebi ahaanba ay burburtay.

Ciidamada ammaanka ayaa tegay goobta qaraxu ka dhacay iyagoo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON