Friday, August 1, 2025

Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo lagu dhaawacay weerar ka dhacay Gaalkacyo

Dabley hubeysan ayaa caawa fiidnimadii weerar ku dhaawacay sarkaal ka tisan ciidamada Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalka la dhaawacay ayaa magaciisa lagu sheegay C/risaaq Jaamac Xasan (Xaaji Cariish) ayaa la sheegay inuu ahaa nin weyn looga yaqiinay magaalada Gaalkacyo.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Sarkaalka la dhaawacay ay xabaduhu ka haleeleen qeybta hore sida Daanka iyo Dhabarka. Labadii nin ee weerarka ku qaaday sarkaalka ayaa la sheegay inay u gudbeen Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ka taliso.

Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ka dhacaan iyadoo dhowr jeer oo hore lagu dilay saraakiil iyo madax ka tirsan maamulka Puntland.

Goobjooge

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON