Waxaa caawa maqribnimadii ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga Dalka.
Dilka sarkaalkan ayaa dhacay salaadii Maqrib kadib, waxayna dabley ku hubeysan bistoolado Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan toogasho ku dileen Sarkaal lagu Magacaabi jiray Gaashaanle Sare Siyaad Axmed Maxamed.
Sarkaalka ayaa ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ee Milatariga Soomaaliya ee saldhigoodu yahay Xerada Laanta Buuro Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dabley laba qof ka koobneyd oo falka dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegay mid ka mida kooxda dilka geysatay ay dileen ciidamada ammaanka.
Waa dilkii labaad ee sarkaal sare lagu khaarijiyo magaalada Muqdisho labadii maalmood ee ugu danbeeyay, waxaana sii kordhaya falalka qorsheysan ee lagu ugaarsnayo saraakiisha ciidamada.
Goobjooge.com