Waxaa isku day khaarijin ah ka badbaaday sarkaal sare oo ka tirsan Hay’dda Denbi baarista CID-da ee Booliska Soomaaliyeed.
Gaari uu watay sarkaalkan ayaa ku qarxay agagaarka wadadda Shaqaalaha ee Wadadda Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lagu xiray Gaari uu lahaa Taliyaha Baarista Dambiyada ee C.I.D-da ee Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Cumar Cabdi Cilmi .
Sarkaalka ayaa ku jiray Carwo goobtaasi ku taalla marka uu qaraxa dhacay, wuxuuna si dirqi ah uga badbaaday qaraxa oo ka mida weerarro ay Alshabaab ku khaarijiyaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda.
Sarkaalka ayaa ka badbaaday qaraxa, iyadoo aanu sidoo kale qaraxu geysan qasaare kale. Waxaana gaariga iyo taliyaha la wareegay ciidamada Booliska.



