Friday, July 18, 2025

Dabley Caawa dil ka geysatay Magaalada Muqdisho oo la qabtay iyaga iyo gaari ay wateen

Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa caawa lagu qabtay  magaalada Muqdisho, kadib markii ay toogasho ku dileen qof rayid ah.

Ciidamada ammaanka ayaa maqrinimadii caawa ku qabtay degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ku qabtay labo Nin oo Bistoolado ku hubeysnaa iyo Gaari ay wateen, kuwaasoo la sheegay inay qof soo dileen Buundada Asalooti Ee Degmada Xamar-jajab Hoosteeda.

Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Gacanta ku gaaroiga dilka geystay iyo ciidamadii la socday ee dilka ka geystay Degmada.


Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in sida wax u dhaceen ay ka duwan tahay warkii hore aanu baahinay, iyadoo dilka ay geysteen ciidamo ilaalo u ahaa sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo dilka u geysteen qof shacab ah, kadib markii ay ka shakiyeen.

Gaariga falka dilka ah geystay ayaa  waxaa lagu waday nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali saraakiisha ka howlgasha madaxtooyada, iyadoo guddoomiyaha degmada xamarjajab uu sheegay in qofka la dilay uu ahaa qof shacab ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON