Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley Bistoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Haanta dheer ee degmada Deyniile, goboka Banaadir, waxaana laba nin oo dabley ay rasaas ku fureen sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay G/sare Maxamed Cabdulle, iyadoo goobta ka baxsaday markii ay dilkaasi geysteen.
Ciidamada Amniga ayaa goobta gaaray markii uu falkaasi dhacay kadib, iyadoo aanay suuragal noqon lasoo qabto dableydii dilkaasi geysatay.
Alshabaab ayaa inta badan fulisa weerarrada lagu khaarijiyo saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.