Monday, June 23, 2025

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo Dil toogasho ah lagu xukumay [Akhriso]

Dacwad loo heysto sarkaal ka tirsan ciidamadda Xoogga dalka oo lagu magacaabo Xidigle Mowliid Cali Cabdi ayaa ka furantay Maxkamadda Ciidamda Qalabka sida ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka ayaa lagu eedeeyay inuu dil bareer ah u geystay Ex. Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maxkamadda Ciidamada hor keenay dacwad ka dhan ah sarkaalka iyo caddeymo iyo marqaatiyaal.

Qareen difaacay eedeysanaha ayaa maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Ad

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray in Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah Qisaasta Ex. Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dambiilaha dil ka geystay ayaa looo sheefay inay u furan tahay rafcaan uu u qaadan karo Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON