Thursday, July 3, 2025

DEGDEG: Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugidda oo lagu dilay Muqdisho

Waxaa goor dhoweyd Muqdisho lagu dilay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Nabadsugidda Qaranka ee NISA, waxaana  toogashada ay ka dhacday  xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogeyaal ahaa ayaa sheegay in dabley baabuur wadatay ay toogteen ninkan oo isna la socday baabuur kale. Ninkaasi ayaa wararku sheegayaan inuu isla goobta ku geeriyooday markii rasaas fara badan ay haleeshay.

Ninka la dilay oo ahaa xubin ka tirsanaa hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaan weli magaciisa la shaacin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON