Iyadoo ay socoto magacaabidda xilalka EE Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan xilal muhiim ah oo la magacaabay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu magacaabay la-taliyihiisa ammaanka, waxaana xilkaasi oo muhiim ah loo magacaabay sarkaal sare oo hore uga tirsanaa hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Soomaaliya.
La-taliyaha Ammaanka Qaranka ayaa loo magacaabay Xuseen Macalin Maxamud oo kasoo jeeda Beesha Murusade, waxaana madaxweynaha qoraal uu soo dhigay Boggiisa twitterka uu ku sheegay inay mas’uuliyiinta uu magacaabay ay si kumeelgaara xilalka loo magacaabay ugu shaqeyn doonaan.
Sarkaalkan ayaa aha qurbe joog degan dalka UK, intii aanu ku biirin NISA, waxayna wada dhasheen guddoomiyaha Xisbiga Daljir Xasan Macalin, iyadoo ay madaxweyne Farmaajo qaraabo ka yihiin dhinaca xaaskiisa oo la-taliyaha cusub ay aad isugu dhow yihiin.
Goobjooge.com