Sunday, June 22, 2025

Sarkaal la dhashay Madaxweynihii hore ee C/llaahi Yuusuf oo Gaarigiisa Qarax lala beegsaday

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Laanta dambi-baarista Puntland lala begsaday qarax Gaarigiisa magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkan la qarxiyey oo ka badbaaday qaraxa ayaa la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana lagua magacaabaa Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), iyadoo qaraxu dhacay intii aanu gaarigiisa soo gaarin.

Gaariga qaraxa lala beegsaday iyo sarkaalka ayaa ka badbaaday qaraxa, iyadoo goobta qaraxa ka dhacay ay gaareen ciidamada amniga Puntland. Hay’adaha Amniga magaalada Gaalkacyo ayaan wax War ah kasoo saarin arrintan.

Ad

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si joogto uga dhaca qaraxyada iyo dilalka qorsheysan oo intooda badan ay fuliyaan xoogagga Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON