Friday, July 4, 2025

Sarkaal lagu dilay Dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Booliska iyo Milateriga

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay iska hor imaad magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Milateriga Dowladda Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamo uu watay sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya uu kusoo dhex dhacay goob ay howgal ka wadeen ciidamada Booliska.

Iska hor imaadka ayaa waxaa ku dhintay sarkaalkii milatariga ee lagu magacaabi jiray Cusmaan Xasan (Injineer), iyadoo dhaawacyo soo kala gaareen labada dhinac.

Isku dhacyada ciidamada dowladda ayaa si joogto ah uga dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda aysan ku guuleysan inay milatariga iyo hubkooda ka xakameyso caasimadda oo amarro fara badan hore looga soo saaray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON