Tuesday, July 8, 2025

Sarkaal Madaxweyne Donald Trump u magacaabi lahaa la-taliyihiisa Amniga oo diiday xilkaasi

Sarkaal uu madaxweyne Donald Trump u xushay in uu noqdo kaaliyihiisa cusub eee Ammaanka Qaranka ayaa diiday xilkaasi.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Robert Harward, horena uga tirsanaa ciidammada Maraykanka ayaa si weyn loogu saadaaliyay jagada la-taliyaha Amniga Qaranke ee madaxweyne Trump, kadib markii  shaqada laga eryay Michael Flynn Isniintii oo fadeexad ku saabsan xiriir uu la sameeyay Ruushka ku soo baxday.

Sarkaal u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Sarkaalka cusub ee xilkan loo waday Robert Harward uu ka cudurdaartay arrimo qoys iyo kuwo maaliyadeed dartood, laakiin warbaahinta Mareykanku ayaa caddeysan in sarkaalkaasi la isku afgaran waayay qaabka xilka loogu qabanayo isagoo shuruudo la yimid.

Arrintan ayaa caqabad cusub ku noqoneya madaxweyne Trump oo saxaafadda Mareykanka ay hadal hayaan in xaalad jaha wareer ah ka jirto Aqalka Cad iyo maamulka Trup, arrintaas oo uu beeniyay madaxweyne Donald Trump.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON