Friday, July 4, 2025

Sarkaal taageersan Axmed Madoobe oo ka digay dagaal ka dhex qarxa Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland

Gen. Cabaas Ibraahim Gureey oo kamida Saraakiisha taabacsan Axmed Madoobe ee kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa ka digay dagaal dhex mara ciidamada Jubbaland iyo ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay Gobolkaasi.

Wuxuu sheegay inaan loo baahneyn khilaafka Siyaasadeed ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland inuusan sababin isku dhaca Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, wuxuuna ciidamada ka dalbaday inaysan qeyb ka noqon khilaafka Siyaasadeed, basle ay xoogga saaraan howlgal lagu qaado Alshabaab.

“Waa wax laga xumaado in ciidamadii Alshabaab la dagaalami lahaa ay dhufeys isugu jiraan oo la iska hor keeno Ciidamada Dowladda iyo Jubbaland oo hal caddow wajahaya, Khilaafaadka Siyaasadeed waa laga heshiiyaa balse ma ahan in uu soo dhexgalo Ciidamada oo la isku adeegsado..” ayuu yiri Taliyaha oo si weyn u taageersan Axmed Madoobe, dhinac kalena ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Col Cabaas Gueey oo ku sugan Balad Xaawo ayaa hore uga sheegay Ceelwaaq markii la doortay AXMED Madoobe inay waajib tahay in la taageero, ciddii ka horjeesata Axmed Madoobe-na ay tahay Alshabaab, sida uu yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON