Thursday, June 26, 2025

Sarkaalkii Taraafikada ee Musuqa ku kacay oo la xiray [Taabit & Farmaajo oo tallaabo qaaday]

Taliye ka tirsan ciidamada Taraafikada oo lacag ganaax ah oo sharci darro ah ka qaaday mi ka mida dadka Muqdisho ayaa tallaabo laga qaaday.

Qisadan oo qabsatay barasha bulshada shalay iyo maanta isla markaana ay daabacday Goobjooge [AKHRI] ayaa ku saabsaneyd muwaadin ganaax $30 ah looga qaaday si musuq ah oo qisadii qabsatay la wadaagay dadka.

Arrintan ayaa ahayn markii ugu horeysay ee dhacdo sharci darro iyo musuq ah lagu faafiyo baraha bulshada ay tallaabo ka qaadaan madaxda dowladda, inkastoo qof kasta oo dhibaato kasoo gaarta xaaladahan oo kale aanay ku dhaqaaqin tallaabooyinkan oo kale.

ISKA MUWAADINKII QISADA KU DHACAY AYAA SOO QORAY FARRIINTAN

Waxaan aad ugu Mahad celinaya Dowladda Soomaliya uu Madaxweyne ka yahay Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Gobalka ahna duqa Caasimada Gud. Thaabit oo tilaabo ka qaaday Talyihii shalay Iga dhacay lacagta Sodonka Doollar eheed (30$)Tariikhada shalay marka ay eheed 07/8/2017 Ayadoo La qabtay isla maanta oo taariikhda tahay 08/8/2017 si Cadaalada la horkeeno waa Talye Bakaay oo la xiray

Talye Bakaay ayaa ah talyaha heesto qeebta taraafikada ee la i geeyay shalay. Waa ku mahadsan yihiin Madaxda Gobalka Banaadir iyo Xafiiska Madaxweynaha sidoo kale ciidamada Amaanka sida dhaqsida badan ay ila soo xariireen oo ay Musuqmaasuqa ula dagaalamayaan in loo ciribtiro

Qof walboo idin ka mida marka ay sidaan kale ku dhacdo waa in uu Dacwad furaa uusan ka harin kiiska musuqa ah si loo ciribtiro

Mahadsanidiin Gudoomiye Thabit iyo Xafiiska Madaxweynaha

sidoo kale mahadsanidiin intii ila danqatay ee Sii Faafisay cabashadeeydii

FARMAAJOOW MA SIDAAN BAAD NOQOTAY?: Waa dhacdo Musuq ah oo qabsatay Muwaadin !

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON