Wednesday, June 25, 2025

Sawirrada Madaxweynaha Guinea oo lagu sharxay magaalada Hargeysa & Imaaraadka oo lug yeeshay arrintan.

Waxaa magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland lagu sharxay saaka sawirrada madaxweynaha dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Guinea, iyadoo lagu dul qoray ereyo mahadcelin ah.

Madaxtooyada Somaliland ayaa daabacday sawirrada madaxweynaha dalka Gini Alpha Conde, kuwaasoo la suruy baalayaasha waaweyn ee agagaarka xarunta Madaxtooyada Magaalada Hargeysa, garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka waaweyn, waxaana sidoo kale sawirrada ka mida muuqaalada Madaxweyne Muuse Biixi.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii madaxweynaha Somaliland booqasho ku tegay dalka Gini, halkaasoo lagu soo dhoweeyay, isla markaana dowladda Somalia ay xiriirkii diblomaasi u jartay dalka Gini.

Dhinaca kale dalka Imaaraadka carabta oo xiriir dhow la leh dalka Gini, isla markaana maalgelin weyn ku sameeyay ayaa la sheegay inuu ku lug leeyahay qorshaha tegista madaxweynaha Somaliland ee dalka Gini, iyadoo dowladda Somalia iyo Imaaraadka uu xiriirkooda aad u xun yahay xilligan.

Image may contain: 1 person
Image may contain: 1 person, smiling, outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON