Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste weriye Cawil Daahir Salaad iyo saddex ka mida shaqaalaha Telefishanka Universal ee magaalada Muqdisho oo ku dhintay Qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Tiyaatarka Qaranka.
Boqolaal qof ayaa ka qeyb galay aaska marxuum Cawil, waxaana ka mid ahaa xildhibaano, siyaasiyiin hore, saxafiyiin iyo dadweyne fara badan. Weriye Cawil Daahir ayaa ahaa ruug caddaa saxaafadeed oo muddo dheer ku soo jiray Warbaahinta Soomaalida.
DAAWO SAWIRRADA