Amiirka Dalka Qatar Tamiim Bin Hamad Althani ayaa ayaa maanta Duhurtii xaruntiisa magaalada Doha ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi.
Amiirka Qatar ayaa sheegay in xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya dalka Walaalaha ah ee Soomaaliya uu yahay xiriir ku dhisan walaalnimo iyo is ixtiraam. wuxuuna intaas ku daray: “Wadahadalka aan la yeeshay walaalkey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waxay mar kale sii adkeeyen xiriirkeena, waxayna ku saabsanaayeen xoojinta xiriirka labada dal. Qatar waxay sii wadi doontaa taageerada Midnimada, Nabadgelyada iyo Qaranimada Soomaaliya iyo sidii shacabkeeda baraare u gaari lahaa..”
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo wehliya waxaa ka mida wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo madaxda Madaxtooyada Soomaaliya.