Monday, June 23, 2025

SAWIRRO: AMISOM oo shaacisay in Mareykanka uu siiyay Qalab ay muddo badan ka sugayeen [Daawo Qalabkaasi]

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa ku ammaanay Dowladda Mareykanka taageerrada joogtada ah ay u fidiso Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Danjire ayaa hadalkan yiri shalay markii Qalab Ilaalin ah oo cusub oo ay deeqday dowladda Mareynka lagu daahfurayay Garoonka Diyaaradaha Militariga ah ee Balidoogle, ee gobolka Shabeellaha Hoose. Qalabka oo noqon doono mid xoojiya ciidamada, waxaa la filaya in ay horumariyaan hufnaanta howlgallada ciidamada AMISOM ay ka wadaan qaybaha kala duwan ee dalka.

“Qalabka Ilaalinta waa mid ahmiyad weyn u leh ciidamada AMISOM maadaama ay kaalin wax ku ool ah ay ka qaadanayaan xallinta mid ka mid ah waxyaabaha hoos u dhigayo awoodda AMISOM. Waxaan aan daahfureyno maanta waa qalab lagu xoojiyo ciidanka oo aan in muddo ah codsaneynay, codsigaas oo maanta miro dhalay,” ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika.

Ad

Marar badan ayay AMISOM codsatay qalab lagu xoojiyo ciidanka si ay ugu suurtagasho in ay howlgallo militari ah oo hufan ku qaaddo Al-Shabaab, ayna xorreyso deegaannada ku jira gacanta maleeshiyada. AMISOM waxaa ay qorsheyneysaa in ay ballaariso howlgallada ay ku sugeyso amniga dalka, iyada oo weli sidii qorsheysneydba loo wado xil wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Danjire Madeira, oo ay wehelinayeen mas’uuliyiinta sarsare ee AMISOM ayaa xusay in qalabkan ay ciidamada siin doonan fursad ay ku helaan xogta ay u baahan yihiin ayna ku helaan wakhtiga saxda ah, kuwaas oo gacan ka geysan doono in la ogaado lalana socdo dhaqdhaqaaqa kooxaha hubeysan.

Waxaa uu ugu baaqay bah-wadaagta kale ee horumarineed in ay ku daydaan dowladda Mareykanka, taasi oo aan kaliya taageerro u fidin AMISOM, balse sidoo kale taageerta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Wakiilka Midowga Afrika ayaa sheegay in xoojinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay muhiim u tahay in uu dalka helo nabad waarta iyo amni.

- Advertisement -

“Sida tan waxaa sare loogu qaadaya awooddeenna, balse waxaa muhiim ah in Soomaalida loo yeello awood; waayo, anaga iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya waxaanu nahay sida labada dhinac ee shilinka. Waxaa laga yaaba in aan awood xoogganahay, balse haddii aysan Soomaalidu awood lahayn, wax suurtagalayo malaha,” ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika.

Madaxa Arrimaha Howgalka Mareykanka ee Soomaaliya, Martin Dale, ayaa carrabka ku adkeeyay sidii ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay in ay caawiso Midowga Afrika, Waddamada Ciidamada qaybta ka ah AMISOM deeqay, iyo dadaallada loogu jiro in ay Soomaaliya nabad hesho.

Mudane Dale ayaa rajo ka muujiyay in qalabka cusub ee ilaallada ay kaalin wayn ka ciyaari doonaan in howlgallo militari oo hufan laga fuliyo dalka.

“Waxaan halkan u joogna kaliya ma aha in aan xaqiijinno amniga ciidamadeenna (askarta AMISOM) balse sidoo kale in aan xoojinno cadaadiska aan ku hayno argagixsada si ay shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolol fiican. Waxaa la joogaa xilligii si wadajir ah loo wada shaqeyn lahaa. Waxaa aan u baahannahay in aan dhammaan si wadajir ah u wada-shaqeyno si aan u xoojinno cadaadiska aan ku hayno,” ayuu raaciyay.

- Advertisement -

Mas’uulka matalayay dowladda Mareykanka ayaa ku baaqay in la sii wado iskaashiga ku aaddan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, isla markana la taageerro ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si loo kobciyo kartidooda si ay uga adkaadaan argagixisada ayna dalka ka dhigaan mid ammaan ah.

“Waa qayb muhiim ah,” ayuu yiri Mudane Dale. “Soomaalida waxaa ay rabaan in ay maal-geliyaan amnigooda si ay barwaaqo u gaaraan, anaguna waxaa aan halkan u joognaa in aan arrintaasi suurtagelinno.”

Xafladda waxaa sidoo kale ka qayb-galay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Owoyesigire; Ku Xigeenka Taliska Ciidamada Isku Dhafan ee Geeska Afrika (CITF-HOA) ee Soomaaliya, Sarreeye Guuto Miguel Castellanos, iyo Ku Simaha Taliyaha Booliska AMISOM, Christine Alalo, iyo kuwo kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON