Magaalada Baydhaba ayaa maanta lagu soo bandhigay rag la sheegay inay ka danbeeyeen dil loo geystay Sheekh caan ah oo ah, kana mid ahaa ergadii dooratay Baarlamaanka Federaalka.
Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaliya ayaa soo bandhigay saddex nin oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen dilkii Masjid dhexdiis loogu geystey Marxuum Sheekh Maxamed Deyr.
Arrintan ayaa ka danbeysay howlgal ay wadajir ah u sameeyeen Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago raggan.
SAWIRRO