Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka iyo shir guddoonka Beelaha Daarood ayaa maamuus heer sare ah fadhigiisa magaalada Qardho ugu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Boqor Burhaan ayaa madaxweybe Farmaajo iyo madaxweyne Gaas ku maamuusay Koofiyo, Shaal dhaqameed, waxaana loo gacan geliyay madaxweynaha Faras lagu soo dhoweeyay oo ahaa maamuus dhaqameedkii ugu heer sareeyay oo ka dhaca Soomaaliya.
Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku maraya degaanada Puntland, wuxuuna maanta gaaray degmada Qardho, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.
DAAWO SAWIRRO