Ciidamada dowladda Kenya ayaa weerar qorsheysan ku qaaday tuuulada Dhuunte ee degmada Ceelwaaq, gobolka Gedo, iyagoo si bareer u toogtay dad shacab ah, isla markaana burburiyey xarun Isgaarsiin.
Ciidamada Kenya ee weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu Afka u duubnaa, waxayna toogasho ku dilay laba qof oo midi uu ahaa illaalada xarunta isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee degmada Ceelwaaq, halka qofka kalena uu ahaa oday da’ah.
Gudoomiye ku-xigeenka degmada Ceel-waaq Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay ciidanka gaarka ah ee Kenya ay dileen ku dhawaad 10 qof oo shacab ah, islamarkaana ay burburiyeen Isgaarsiintii degmada. Wuxuu intaas ku daray sababta ciidanka Kenya ay arrintan u sameeyeen inay tahay khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya maamulada degmada.
“Cidamada Kenya ee afka duuban ee u labisan sida Al Shabaab waxay gudaha u galeen degmada Ceelwaaq, waxay dileen laba nin oo joogay shirkad isgaarsiineed, sidoo kale waxaa jira dad kale oo degmada ay ku dileen, waxay miino ku wareejiyeen xarunta isgaarsiinta wayna qarxiyeen, arrintan waa xasuuq, waxaan baaq u dirayaa cidkasta oo arintan ay quseyso.” Ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Ceel-waaq.