Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa ka qey qeygalay dhoolatus ay wadajir u qabteen Dalalka kulaala Badweenta India iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradan Afrika.
Dhoolatus oo isugu jiray ciyaarsiis iyo tabababr wuxuu ka dhacay Badda , iyadoo ay soo qabanqaabisay Saldhigga Ciidamada Mareeykanku ey ku leeyihiin Jibuuti waxaana ka qeygalay Ciidamada Mareeykanka kuwa ka socda Midowga Yurub iyo dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Ciidamada Mariinis ee Booliska Soomaaliya oo ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galay Dhoolatuska, waxayna qeyb ka ahaayeen howlaha dhoolatuska oo ay qeyb weyn ka qaateen.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA