Waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada Soomaaliya dhismaha xarunta KMG ee Golaha shacabka uu loo diyaarinayo inay ku sii shaqeeyo Baarlamaanka inta laga dhisayo Xarunta weyn ee Golaha shacabka.
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmmaan ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Dhismaha lagu sameynayo xarunta KMG ee Golaha shacabka, isagoo kula dardaarmay howl wadeenada iyo Injineerada loo xil saaray dhismaha xaruntan in ay waqtiga loogu tala galay ku dhameeyaa dhismaha.
Xarunta maanta dhismaha lagu bilaabay ayaa ah Xarunta Villa Hargeysa waxayna noqoneysaa xarunta KMG ee golaha shacabka. iyadoo marka Baarlamaanka xaruntan loo raro kadib uu bilaaban doono dhismaha xarunta weyn ee Baarlamaanka oo Turkigu dhisayo.