Sunday, July 13, 2025

SAWIRRO: Dowladda Masar oo deeq Gaadiid iyo Qalab ah ku wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay deeq isugu jirtay gaadiid iyo qalab-xafiiseed oo dawladda Masar ay ugu deeqday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabadda wareejinta deeqdaasi oo ka dhacday Dekadda Muqdisho waxaa ka qeyb galay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali iyo Safiirka dawladda Masar Waliid Ibraahim. Danjire Waliid ayaa sheegay in gaadiidka maanta ay ku wareejiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga uu qeyb ka yahay taageerada Dowladda Masar ay siineyo Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali, ayaa u mahadceliyay Dowladda Masar gaadiidka ay ku wareejisay oo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonaan tayeynta iyo dib u dhiska Wasaaradda, isagoo xusay in dawladda Masar ay sidoo kale ugu deeqday Qalab xafiiseed.

DAAWO SAWIRRO

IMG_0427

IMG_0458IMG_0481IMG_0500IMG_0523

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON