Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay eedeysane loo heysto dil dhowaan loo geystay shaqaale ka tirsanaa Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka, horena u ahaa xildhibaan oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Qaasim Mursal.
Maamulka degmada Dharkeynley soo bandhigay maanta nin dhalinyaro ah lagu soo eedeeyay inuu ka danbeeyay dilka Marxuum Cabdiqaadir Qaasim Mursal oo hore u soo noqday Xildhibaan ka tirsanaa Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan.
Ninka dhalinyarada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Saalax Maxamed Abuukar, waxayna ciidamadu gacanta ku soo dhigeen kadib howlgal laga sameeyay degmada dilku kaa dhacay.
Caddeymaha eedeysanaha lagu hayo iyo kiiskiisa ayaa lagu wareejiyay hay;adda NISA oo la filayo inay maxkamad soo taagto.
Daawo Sawirrada.
Xasan Maxamed Samatar Cowke