Hilib noocyo kala duwan ah iyo ukunta Digaaga ayaa galabta lagu aasay duleedka Muqdisho, kadib ay qabteen ciidamada Booliska degmada C/casiis, iyadoo uu ahaa Hilib qurmay oo dadkii waday ay doonayeen inay iibiyaan.
Dadka lagu qabtay Hilibka waqtigiisu dhammaaday ee xumaaday ayaa gaaraya 14 qof ayaa la dhigay saldhigga degmada Cabdicasis ee G/Banaadir, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in hilibta iyo ukunta la qabtay ay kala ahaayeen: Hilib Lo’, Hilib Ari, Hilib Digaag oo La qalay iyo Ukunta Digaaga.




