Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa saaka ka soo degay diyaarada siday ilaa 151 ka mida dhalinyarada Tahriibayaasha Soomaaliya ee ku dhibaataysnaa xabsiyada dalka Liibiya.
Dhalinyarada oo ay la socdeen mas’uuliyiintii ay dowladda Soomaaliya u wakiilatay oo uu ugu horeeyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yrub Cali Siciid Fiqi iyo xubno kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dhalniyaradda maanta la keenay Muqdisho ayaa ka mida 300 boqol oo dhalinyaro ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya gaar ahaan magaalada Tripoli ayaa isku diwaan geliyay si mutadawacnimo ah si ay dalkooda ugu soo laabtaan
Dhalinyaradan ayaa ka muuqatay dhibaato xoogan oo soo gaartay mudadii ay kujireen xabsiyada,basle ay farxad muujiyeen maadaama ay dalkooda hooyo ku soo laabteen,waxaa sidoo kale soo celintooda kaalin ka qaadatay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM,waxaa lafilaya in kuwa kale ee baaqiga ku ah dalka Liibiya dib loo soo celiyo.