Thursday, June 26, 2025

SAWIRRO: Kulan Muqdisho ku dhex maray Wakiilka Q/Midoobay iyo Madaxweynaha Hirshabeelle

Madaxweynaha mamulka Hirshabeelle Mohammed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilada Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Nicholas Haysom iyo Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Ambassador Franciso Madeira.

Kulankan labada dhinac oo ka mida kulamo wakiilada UN-ka iyo Midowga Afrika ay la yeelanayeen madaxda maamul Goboleedyada ayaa looga wadahadlay xaaladda maamulka Hirshabeelle, xiriirka dowladda iyo maamulkaasi iyo mashariicda horumarin ee Hirshabeelle.

Kulanka ayaa ka duwanaa kulamada kale iyadoo madaxweynaha Hirshabeelle uu Muqdisho ku sugnaa, taasoo keentay inuu kulanku ka dhaco  Xafiiska UNSOM ee xarunta Xalane, waxaana la sheegay in Waare uu Wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika u gudbiyey talo soo jeedin ku saabsan khilaafka dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Nicholas Haysom Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in guusha laga gaaro Soomaaliya ay ku xiran tahay wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON