Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ayaa maanta tegay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Safarka Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo qeyb ka ahaa kormeer uu ku marayo degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa la kumay maamulka Degmada, saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee ku sugan degmada Jalalaqsi.
Madaxweyne Waare ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Jalalaqsi oo ka mida degaanada ay Alshabaab go’doomiyeen, waxaana uu isla shalay tegay degmada Buuloburte, isagoo dadaal ugu jira sidii la isugu furi lahaa degmooyinka gobolka Hiiraan.
SAWIRRO