Madaxweynahaa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd kasoo degay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wafdiga madaxweynaha Jabuuti waxaa ka mid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ahaa oo kala ah Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo Muqdisho markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay muddo 30 sano ku dhow. Waxaa kaloo wafdiga ka mida fanaanka reer Jabuuti Cawaale Aadan iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan.
Waxaa waffiga Garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan.
SAWIRRO







