Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maant dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka oo la sheegay in lagu dhisayo barnaamijka Is-xilqaan ee dowladu ku dhawaaqday.
Munaasabada dhagax dhigga dib ud hiska Tiyaatarka Qaranka ayaa la isugu keenay Shaqaalaha dowladda oo manta lagu amray inay isugu yimaadaan Tiytaarka, sida ay ku amartay Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa Khamiistii shaaciyey in lacag dhan 2 Milyan oo Doolarka loogu deeqay barnaamijka Is-xilqaan, taasoo lagu bilaabi doono dhismaha Tiyaatarka oo ka mida xarumaha waweyn ee dib loo dhisayo.
Shacabka soomaaliyeed ayay ugu baaqday dowaladda soomaaliya inay ka qeyb qaataan dhismaha lagu sameynayo xarumaha dowladda ee lagu dhisayo is xilqaan.