Friday, July 4, 2025

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Marko kula kulmay Ciidamada, Dhalinyarrada & Odayaasha

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta  gaaray magaalada Marko ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulamo xogwareysi iyo is dhexgal la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dhiirrigeliyo Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14kii Oktoobar sannadkii 2017kii.

Guutadan ayaa haatan ku guda jirta hawlgallo ciidan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab, iyadoona bartilmaamsanaysa in ay meleyshiyaadkaas ka sifeeyaan guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey bulshada ku dhaqan magaalada Marka sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay ilaashadaan nabadgalyada haatan ka jirta magaalada Marka kaddib markii ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka saareen maleeshiyaadkii Al Shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo la tashi ah waxa uu la qaatay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, isagoona kala hadlay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuha waxay isla garteen in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxaysa odayaasha dhaqanka, bulshada iyo cutubyada ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaas ka wada hawlgallada dalka lagaga sifaynayo argagixisada Alshabaab.

SAWIRRO

Image may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, people sitting

Image may contain: one or more people and people standingImage may contain: 30 people, people smiling, textImage may contain: 2 people, people standing, ocean and outdoorImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 15 people, including Cabdiraxmaan Yusuf Cadaala, people smiling, people standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON