Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo cusub oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.
Musaabadda oo ka dhacay xarunta Dugsiga sare ee Booliska Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa, Wasiirka gaashaandhigga, Wasiiru-dowlaha gaashaandhigga, Abdaanduulaha Ciidamada xoogga dalka, taliyaha Ciidamada Booliiska iyo saraakiil sare oo ka tirsan qeybaha ciidamada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan oo u damqanaysa shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay ku biiraan ciidanka si ay ula dagaallamaan cadawga Alshabaab, jawaabna u ah baaqii uu jeediyey 18kii bishii Oktoobar ee ku saleysnaa in aan loo kala harin dagaalka lagula jiro argagixisada.
“Waxaa halkan iiga muuqata ciidan u diyaarsan in ay dalkooda ka xoreeyaan hororka nabad diidka ah ee Alshabaab oo ah Khawaarij nagu soo duulay, dalkeenna tafaha heysa oo diiday in aan la tartanno caalamka intiisa kale.”
“Maalin walba waxa ay xasuuq ku hayaan caruurteenna, gabdhaheenna iyo hooyooyinkeenna, idinkuna waxaad jawaab cad u tihiin baaqii aan u jeediyey shacabka ee ahaa in aan u midoowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.”