Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya Gawaari Gaashaaman oo casri ah.
Xaflad lagu guddoonsiinayay AMISOM gaadiidkan ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, waxayna ahaayeen nooc cusub oo dhowaan la soo farsameeyay, iyadoo Mareykanka ka mid yahay dalalka dhinaca hubka iyo saanadda ka taageerada ciidamada AMISOM.