Maxaabiistii Soomaalida ahaa ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa caawa kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
114 maxbuus ayaa la keenay garoonka iyado Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galeen soo dhaweyntooda, waxayna ahaayeen kuwo ay daruuf ka muuqato oo ku faraxsan ku soo laabashada dalkooda.
Qaarkood ayaa sanado badan ku xirnaa dalka Itoobiya, iyagoo ku eedeysnaa dembiyo kala duwan, waxayna ku timid heshiis dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ciidamada Booliska ayaa la wareegay maxaabiista, wxaana la filayaa in la kala saaro oo xaaladooda la ogaado ka hor inta aan tallaabo kale la qaadin oo arrimahooda ku saabsan.
SAWIRRO