Muqdisho Meydadka illaa 10 ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasoo saaka waabarigii ay ciidamo Mareykan ah ku dileen agagaarka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Meydadkan ayaa saxaafada loogu soo bandhigay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jiray labo carruur ahaa, waxaana la soo bandhigay magacyadooda. Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen Ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in howlgal ay ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariir saaka waaberigii halkaasoo dadkan ay ku dileen.
Waa dhacdadii labaad oo dad rayid ah ay ku xasuuqaan Ciidamo Mareykan ah oo howlgal ka fulinaya Koofurta Soomaaliya, waxaana todobaad ka hor ay aheyd markii illaa 7 ruux lagu dilay deegaan u dhow Jilib.