Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ayaa soo bandhigay nin ka tirsan Shabaab oo waxyaabaha qarxa ku diyaarinayay Guri ku yaala Magaalada Kismaayo.
Ninkan ayaa la sheegay inay ciidamada Nabadsuggida ku raad joogeen, isagoo ka tirsanaa kooxda Shabaab, qorshihiisuna ahaa inuu weerar xoog leh ka geysto Magaalada Kismaayo.
Taliye ku xigeenka ciidamada Nabadsuggida Jubbaland ee Axmed Cabdullahi Ciise (Gaas) ayaa sheegay ninkan la soo qabtay xilli uu isku doonayay inuu baxsado, waxaana ka muuqday dhaawacyo.
Ad
SAWIRRO
- Advertisement -
Warar Xul ah